Waa maxay HPV iyo sidee buu u sababi karaa kansar?
Waa maxay HPV?
Fayraska papillomavirus ee aadanaha, ama HPV, waa koox fayrasyo caadi ah. HPV wuxuu ku nool yahay maqaarka iyo unugyada ku jira gudaha jirkeena, sida agagaarka xubinta taranka, afka, iyo cunaha.
Waxaa jira in ka badan 100 nooc oo HPV ah. Waxaa loo qaybiyaa laba kooxood: khatar yar iyo khatar sare .
- HPV-ga khatarta yar leh wuxuu sababi karaa burooyinka xubinta taranka, laakiin ma keeno kansar.
- HPV-ga khatarta sare leh mararka qaarkood wuxuu keeni karaa cuduro halis ah, oo ay ku jiraan kansarka.
Ku dhawaad dhammaan kiisaska (99%) ee kansarka ilmo-galeenka waxaa sababa HPV-ga khatarta sare leh. HPV-ga khatarta sare leh waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa kansarro kale, oo ay ku jiraan:
- 90% kansarka futada
- 78% kansarka siilka
- 25% kansarka farjiga (ka baxsan qaybta taranka dumarka)
- 50% kansarka guska
- 60% kansarka afka iyo cunaha
Sidee HPV u sababa kansarka?
Caabuqa HPV ee khatarta sare leh wuxuu beddeli karaa habka ay unugyadu u shaqeeyaan. Tani waxay ka dhigi kartaa unugyada cudurka qaba inay kala qaybsamaan oo ay ka baxaan xakamaynta.
Inta badan, habdhiska difaaca jirka wuxuu dilaa unugyada qaba HPV. Qofku ma oga inuu ku dhacay HPV.
Mararka qaar, unugyada cudurka qaba waxay ku sii jiraan jirka oo way sii korayaan. Waqti ka dib, unugyadani waxay isu beddeli karaan kansar. Tani waxay qaadan kartaa sannado badan.