Sidee waalid/daryeele u tallaali karaa dhallinyaradooda?

View all Q&As

Ingiriiska, dhalinyarada waxaa badanaa la siiyaa tallaalka HPV marka ay fasalka 8aad ku jiraan dugsiga sare. Waa marka ay jiraan 12 ama 13 sano.

Waalidiinta/daryeelayaashu waxay heli doonaan macluumaad ku saabsan tallaalka HPV iimayl ama warqad.

Tani waxay sidoo kale u sheegi doontaa goorta tallaalka lagu bixin doono dugsiga.

Waalidiinta/daryeelayaashu waxay u baahan doonaan inay buuxiyaan foomka ogolaanshaha si ay u sheegaan inay siinayaan oggolaansho ku saabsan tallaalka dhallinyaradooda. Waa muhiim inaad buuxiso foomka , xitaa haddii jawaabtu tahay maya.

Haddii qof uu dhibaato kala kulmo buuxinta foomka, wuxuu la xiriiri karaa kooxda tallaalka dugsiga kuwaas oo ku farxi doona inay caawiyaan.

Kahor inta qof go’aansado, waxaa ugu wanaagsan dhalinyarada iyo waalidkood/daryeelayaashooda labadaba inay hubiyaan doorashadooda.

Haddii qof uu qabo wax su’aalo ah, wuxuu la hadli karaa dhakhtarkiisa guud ama kooxda tallaalka dugsiga.

Haddii qof uu seegay tallaalka dugsiga, badanaa wuu qaadan karaa ilaa uu ka gaaro 25 sano jir.