Maxay tahay sababta qofku ugu baahan yahay tallaalka HPV?

View all Q&As

Dadka badankiisu ma oga inay qabaan HPV ama ay yaqaaniin qof qaba kansar uu sababay HPV. Markaa waa wax caadi ah in la isweydiiyo in HPV uu yahay wax laga walwalo.

Runtu waxay tahay in HPV uu aad u badan yahay. Xaalado badan, ma keeno wax dhibaato caafimaad ah. Laakiin dadka qaar waxay u horseedi kartaa cudurro halis ah, oo ay ku jiraan kansar. Qofna horay uma sheegi karo cidda sidan u saameyn doonta.

Daraasado cilmi-baaris ah ayaa muujiyay in tallaalka HPV uu yareyn karo tirada kansarka iyo dhimashada uu keeno HPV. Waxa kale oo uu kaa caawin karaa ka hortagga cilladaha unugyada ee laga helo baaritaanka caadiga ah ee afka ilmo-galeenka.

Taasi waa sababta dowladda UK ay u go’aansatay inay bixiso tallaalka HPV – ka dib markii ay talo taxaddar leh ka heleen saynisyahano iyo khubaro caafimaad.